Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Nabadoon Maxamed Xaashi Faarax oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa waxa uu ka horyimid boqolaalka askari, ee lagu soo daadiyay wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Nabadoon Maxamed Xaashi Faarax oo ka mid ah Odayaashii Dhaqanka ee Magaalada Dhuusamareeb u tagey dhismaha maamulka cusub ayaa sheegay in ciidamada wejiyada duuban ee la soo dhoobay magaalada, ay argagax geliyeen bulshada deegaanka.
Nabadoon Maxamed Xaashi Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa ku waramaya magaalada oo dhami in lagu soo daadiyay ciidan uu wejiyada u duuban yahay, ayna argagaxgelin ku hayaan dadka deegaanka.
“Sidaan maaha sidii lagu yaqaanay Magaalada Dhuusamareeb iyo dadkeedaba, meel kastoo magaalada ah baa waxaa taagan askar wejiyada soo dabooshay. Argagax bay geliyeen dadkii, welina way ku hayaan.” Ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xaashi.
Nabadoon Maxamed Xaashi ayaa Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ee garabka Dowladda Federaalka ugu yeeray inuu ciidamada ka dulqaado shacabka, xilli uu su’aal ka keenay cidda la doonayo in lagu cabsida geliyo ciidamadaasi.
“Madaxweyne Qoorqoor waxaan leenahay haka saaro wadooyinka magaalada ciidamadaan wejiyada duubanee aad meel kastoo soo dhigteen. Ayaad rabtaan inaad baqdin gelisaan? Bal adiguba garo.” Ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xaashi.
Nabadoonka ayaa soo hadalqaaday in dadka deegaanka laga hor istaagay bannaanbixii ay qaban qaabinayeen, oo ay damacsanaayeen inay dareenkoodu ku muujiyaan, balse jawaabta la siiyay ay ahayd inay qalqal gelinayan amniga.
Nabadoonka oo dhaliilay habdhaqanka Dowladda Federaalka ayaa yiri “Dadkii waxay qaban qaabinayeen in la qabto isu soo bax ay doonayeen inay shuruuctooda ku cabiraan, waxay tiri amniga ayuu liddi ku yahay, mayee gawaari kuma taggi kartaan Dhuusamareeb, ayadoo ku kaliftay inay lug ku taggaan min Guriceel illaa Dhuusamareeb dad ay odayaal da’ ah ku jiraan, masaafo dhan lixdan kiilo mitiri (60km). Intaas kuma aysan ekeynee ciidamadeedii ayay soo duldhigtay shacabkii ku noollaa Caasimadii Galmudug, guri kasta iyo askari. Dadkii ayaa argagax la gelinayaa, waxay sidaasi ku samaynaysaa dadkii waxgalka u ahaa bulshadan ay ka dooneysay inay u tanaasulaan Axmed Qoorqoor, taas inay wax inaga xumeyso mooyee, wax nooma hagaajinayso. Ficilka noocaas ah in la naco dowladdii ayuu keenayaa.”
Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa habeenkii Khamiista xaalad deg deg ah ku soo rogay Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in taageere-yaasha Ahlu Sunna ay qorsheynayan bannaanbax ay ku muujinayan dareenkooda.
Xaaladdan la geliyay Magaalada Dhuusamareeb oo hadalhayn badan dhalisay ayaa dhanka kale waxaa caro xoog lihi ka muujiyay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com