Wednesday, July 8, 2026
25 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo maanta la wareegay deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud

Cadaado (Halqaran.com) – Maleeshiyaadka Ururka Al Shabaab ayaa Axaddii maanta bilaa dagaal kula wareegay deegaan hoos-tagga Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Al-Shabaab ayaa saacado ka hor gudaha u galay Deegaanka Cadakibir, oo qiyaastii 70km u jira Degmada Cadaado ee Xaruntii hore ee Maamulka Galmudug.

Deegaankan ayaa waxaan horey u joogin Ciidamada Maamulka Galmudug, waana taa midda u sahashay inay si nabdoon kula wareegeen Ururka Al- Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabka la wareegay Deegaanka Cadakibir ay wateen gaadiidka dagaalka, isla-markaana ay ka taggeen Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Saraakiil Shabaabka ka tirsan oo fagaare ku yaala deegaankaasi kula hadlay dadka deegaanka ayaa ugu baaqay inay la shaqeeyaan ururka, isla-markaana ay ka fogaadaan la shaqaynta Maamulka Galmudug.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Halqaran.com ayaa ku soo warramaya in aanay garanayn in maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay sii jooggi doonaan deegaankaasi iyo inay dib ugu laabanayan halkii ay ka yimaadeen.

Ugu dambeyn, deegaanka Cadakibir oo laga xukumo Cadaado ayaa ah deegaan nabdoon, marar kala duwana waxaa booqasho ku tagey masuuliyiin ka tirsanaa maamuladii hore ee Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...