Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug

 

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug, Dr Maxamed Nuur Gacal

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoonnada labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guddoonka cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo Jimcihii maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa u hambaleeyay guddoomiye Dr Maxamed Nuur Gacal iyo Ku-xigeenadiisa, isagoo u rajeeyay in eebe uu Ku guuleeyo xilka loo igmaday.

Sidoo kale, mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi gudddoomiyaha Aqalka sare ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediye guddoonka baarlamaanka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kula dar daarmay guddoonka baarlamaanka Galmudug ee la doortay in si hufan ay u gutaan waajibaadka loo doortay

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la qabto doorashada madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug oo ay ku tartamayaan musharraxiin badan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...