Thursday, April 30, 2026
28.4 C
Mogadishu

Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo ka hor-yimid xil ka qaadistii lagu sameeyay

Hiiraan (Halqaran.com) – Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Carraale ee xilka qaadista lagu sameeyey ayaa kasoo horjeestaay xilka qaadistaas, isaga oo sheegay inay tahay mid Sharci darro ah, isla markaana Madaxweyne Waare uusan xilka ka qaadi karin.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan xalay loogu Magacaabey markii Saddexaad Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Carraale oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Baledweyne ayaa sheegay inuusan aqbaleyn xil ka qaadistaasi, maadaama Madaxweyne Waare uusan xilka ka qaadi karin.

Wuxuu sheegay inuu yahay guddoomiyaha saxda ah ee Gobolka Hiiraan uuna ku sii shaqeyn doono Xafiiska, islamarkaana marnaba uusan aqbaleyn xil ka qaadista lagu sameeyay.

Hadalka guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ku soo aadaya, iyadoo warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne waare xilka looga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan.

Arrintan ayaa noqonaysa xiisad cusub oo ka taagan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Somaliya, iyadoo sidan oo kale Guddoomiyeyaal hore oo xilka looga qaaday ay diideen xil ka qaadistaasi, inkastoo markii dambe aqbaleen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...