Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

UPDATE: Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho oo dhaawicii u geeriyooday

Allaha u naxariisto, guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho oo maanta dhaawicii u geeriyooday /Sawir hore Keydka Halqaran.com

Muqdisho (Halqaran.com) – Duqii magaalada Muqdisho, ahaana gudoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Khamiistii maanta magaalad Dooxa ee dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawacii toddobaadkii hore ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose Xamar.

Allaha u naxariistee, Cabdi-raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa 1-dii duhurnimo ee maanta ku geeriyooday Isbitaal Magaalada Dooxa ku yaala, halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay lagula tacaalayay xaaladiisa caafimaad.

Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano), Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar ayaa xaqiijiyay geerida ku timid Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir.

Warar ay helayso warbaahinta Halqaran.com, ayaa sheegaya in meydka Eng. Yariisow loo soo qaadi doono Magaalada Muqdisho, si aas ay Madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya ka qaybgalaan loogu sameeyo.

Geerida ku timid guddooihii gobolka Banaadir Eng. Yariisow waxay ku soo aadaysaa, xilli Villa Soomaaliya ay ka cago-jiideyso in ay soo bandhigto natiijada baaritaankii lagu sameeyay qaraxii 24-kii bishii hore ee July ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Qaraxaasi ayaa sheegatay mas’uuliyadeeda Ururka Al-Shabaab oo dagaal adag kula jira Dowladda Soomaaliya.

Isku soo wada-duub, haddii baaritaankii la sameeyay aan bannaanka lagu soo dhigin ciddii ka masuulka ahayd qaraxaasi ayaa waxaa la xaqiiqsan doonnaa shakigii ay inta badan dadku ka qabeen in masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay fududeeyeen qaraxaasi.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...