Maxaadan ogeyn oo ka socda Xarunta Dowladda Hoose Xamar & Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Somaliya oo weli laga dhur-sugayo inay bannaanka keento ciddii ka masuulka ahayd qaraxa 24-kii bishii hore ee July ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose Xamar ayaa waxay abaareysaa meel aan waxba ka jirin.

Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere), Gudoomiye Kuxigeenka Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in is bedel lagu sameeyay ilaaladii ku sugneyd albaabka.

“Qaraxa wuxuu ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose loogaga arrimiyo. Ammaanka gelitaanka albaabka is bedel weyn ayaanu ku sameynay.” Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Kuxigeenka oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa ku faanay inay cashar ka barteen wixii dhacay, ciidamadana ay hawlahoodii u gudanayan sidii loogu talagalay.

“Ciidamada waxay hawlahoodii u gudanayaan sidii loogu talagalay, marka cashar baan ka baranay wixii dhacay, si tii dhacday mid la mid ah aysan u dhicin mar dambe.” Ayuu yiri Ibraahim Cumar.

Ibraahim Cumar oo wax laga weydiiyay cidda fududeysay qaraxan ayaa ku gaabsaday in weli uu baaritaanku socdo, isla-markaana uu arrimahaasi jeclaan lahaa in looga dambeeyo hay’adaha ammaanka.

“Runtii weli waxaa socda baaritaan, arrinkaasna waxaan jeclahay in loo daayo laamaha ammaanka, sababtoo ah weli ma dhammaanin. In aan ka hordhacnana ma doonayo, marka waxaan ka warsugaynaa laamaha ammaanka.” Ayuu yiri Ibraahim Cumar.

Iyadoo dadku ka argagaxsan yihiin waxa dhacay, ishana ay ku hayaan natiijada baaritaanka ayuu Ibraahim Dheere sheegay in hawlaha Gobolka Banaadir ay yihiin kuwo si caadi ah u socda, isla-markaana ay ka shaqaynayan horumarka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

“Hawlaha gobolku si caadi ah ayay u socdaan oo shalay waxaanu joognay Degmada Xamar Weyne oo barnaamijkii ahaa is xilqaan uu ka socday. Maantana waxaan furnay waaxda saddexaad Oktoobar ee Degmada Waaberi, marka hawlihii gobolka sidii loogu talagalay ayay ku socdaan.” Ayuu yiri Ibraahim Dheere.

Toddobad ka dib qaraxii Aqalka Dowladda Hoose oo dad badani ku dhinteen, tiro kale oo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho uu ka mid yahayna ay ku dhaawacmeen ayaan waxaan jirin natiijo horudhac ah oo ay dowladdu ka soo saartay qaraxaasi.

Laamaha amniga ayaan looga baran inay soo saaraan warbixin lala wadaagayo shacabka, kolka ay soo afjaraan baaritaanada ay qaraxyada ku sameeyan. Hay’adaha ammaanka ayaa qarax illaa qarax baaritaanada ay sameeyan waxay ku soo idlaadaan aamusnaan iyo in meeshaasi looga haro.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo xubin ka ah Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Somaliya ayaa ku goodiyay in laamaha ammaanka ay kala xisaabtami doonaan fal dembiyeedka ka dhacay Dowladda Hoose Xamar, haddii aysan jawaab deg deg ahi ka keenin.

“Waa in hay’adaha amniga jawaab deg deg ah ay ka keenaan, haddii ay ka keeni waayaan waan la xisaabtamaynaa, ha ogaadaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Dadka qaar oo uu ka mid yahay Xildhibaan Jeesow ayaa qaba inaanu jirin qof ka gudbi kara albaabka Xarunta Dowladda Hoose, maadaama la fahamsan yahay in ay dadku maaraan qalabka lagu baaro hubka wax dila.

“Arrintaas dhacday Dowladda Federaalka aad ha u baarto, marna mala qaadan karo qaraxaa ka dhacay iyo qof is qarxiyaa galay, sabab noocaasi ah lama qaadan karo. Dadkii ka dambeeyay arrintaas waa in gacanta lagu soo dhigaa. Xaqiiqatan waa fashil aad u xun oo saamayn ku yeelanaya hay’adaheena amniga. Hay’adaha amnigu iyagaa amniga masuul ka ah, Gudoomiye Yariisow waxaa amnigiisa masuul ka ah hay’adaha amniga, qiil ma noqoneyso qof is qarxiyaa ugu tagey.” Ayuu yiri Jeesow.

Iskusoo wada-duuboo haddii baaritaanka iminka socda aan laga soo saarin wax natiijo ah, waxaa bannaanka imaan doona shakigii ay inta badan dadku ka qabeen in masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somaliya ay fududeeyeen qaraxaasi.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com