”Maxaa cusleeyay natiijada baaritaanka in la soo bandhigi waayo?”.. waxa yiri…

Muqdisho (Halqaran.com) – Siyaasiga Xasan C/qaadir Muudey ayaa si dareen leh kaga hadlay weerarkii ay dadka badani ku dhinteen ee 24-kii bishii July ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose Xamar, kaasoo galaaftay nolosha dad masuuliyiin ahaa, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xasan C/qaadir Muudey ayaa sheegay in wax aan yaraan uu ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, sidoo kalena aan la aqbali karin in lagu dhibaateeyo masuuliyiintii ugu sareysay, ee adeegga u haayay shacabka.

“Waxaan meesha ka dhacay wax sahlan maaha, waa wax taabtay dareenka umadda Soomaaliyeed oo dhan. Wax caqliga fiyow aqbali karana maaha in si sahlan lagu beegsado Dowladda Hoose, laguna dhibaateeyo masuuliyiintii ugu sareysay.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

Xasan C/qaadir Muudey oo su’aalo badan ka keenay qaraxaasi ayaa yiri “Yaa bamka qarxiyay? Yaase geliyay oo dhaafiyay Scankii yaalay Xarunta Gobalka? Kuwii dilay iyo kuwii dagay Dowladda Hoose ee Xamar mala hayaa? Mala waayay kuwii Shabaabka la shirkada ahaa? Gudoomiye Yariisow yuu dhaawiciisu u jiifaa? Maxaa cusleeyay natiijada baaritaanka in la soo bandhigi waayo? Ma mudnaa Duqii Magaalada Muqdisho in uu cadaalad xaqiiqsan waayo, tan iyo markii uu dhaawacu gaaray iyo dhammaan intii kale ay waxyeeladu gaartay?”

Xasan C/qaadir Muudey, La taliyaha qaybta Warbaahinta ee Maamulka Hirshabelle ayaa xusay in xilligan la bartilmaameydsaday Xarunta Dowladda Hoose Xamar, berrina ay dhici karto in la beegsado Villa Somalia, haddii aan si dhow loo eegin waxa ka dhacay halkaasi.

“Maanta waxaa la qarxiyay waa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo loogu adeeggo saddexda malyan ee ku nool Magaalada Muqdisho, berrina waxaa la beegsan karaa Aqalka Villa Somalia oo umadda Soomaaliyeed loogu adeeggo. Waa haddii Madaxda Qarankeena ay sidaan ku aamusnaadaan.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

Xasan C/qaadir oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa ka dhawaajiyay in Madaxda Qaranka uu xusuusinayo in dadka Soomaaliyeed ay ka dhawrayaan inay bannaanka keenaan ciddii ka masuulka ahayd dhibaatadaasi dhacday.

“Madaxda Qaranka waxaan xusuusinayaa inay dadka oo dhan ka dhur-sugayan natiijo lagu qanci karo, oo laga soo saaro baaritaanada ay laamaha ammaanka ku hayaan falkaasi foosha xun. Marka waxaan rabnaa inay si dhab ah u qaataan in falkaasi uu yahay mid aan la aqbali karin.” Ayuu yiri Ina Muudey.

Ina Muudey waxa uu intaasi ku daray “Aniga iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inaan aragno masuuliyiintii meeshaasi lagu dhibaateeyay oo cadaalad helo, Madaxda Qarankana ay ka shaqeeyan sidii dadkaasi ay cadaaladda ku heli lahaayeen.”

Si kastaba ha-ahaatee weerarka lagu qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa weji gabax ku noqday laamaha ammaanka iyo Dowladda Somaliya, waxaana looga fadhiyaa inaanay meesha uga harin waxa dhacay, isla-markaana ay dadka la wadaagaan natiijada baaritaankaasi.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com