Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani ‘C/raxmaan Cirro’ oo laga helay Cudurka Coronavirus

Hargeysa (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa la sheegay in laga helay cudurka safmareenka ah ee Coronavirus (Covid-19).

War qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku xaqiijiyay in laga helay Cudurka COVID-19, kaddib markii la baaray, waxaana uu sheegay in uu galay Karantiil muddo 7 cisho ah.

“ALXAMDULILLAAH calaa kulli xaal, maanta waxa la iga helay Corona Virus [covid19] baadhis kaddib. Waxa aan ku jiri doonaa karantiin-iskay ah oo toddoba maalmood ah sida dhakhtarku ku taliyey. Caafimaadkayguna aad buu u fiican yahay ayuu yiri” Guddoomiye Cirro.

Deegaannada Somaliland ayaa waxaa uu ka mid yahay deegaannada Soomaaliya sida weyn uu u sameeyay Cudurka Coronavirus, waxaana dadka laga helay ku jira Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...