Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay xarumo laga hirgelinayo Degmada Dharkeenley

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Waaxda Kaawa Godeey ee degmada Dharkeenley iyo xarunta Caafimaadka ee hooyadda iyo dhallanka oo ay yeelanayso Waaxda Kaawa Godeey.

Munaasabadda dhagax dhigga dhismaha xarunta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka degmada Dharkeenlay iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeenlay ee Gobolka Banaadir mudane, Guhaad Sheekh Xasan, oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, uga mahadceliey dhagaxdhigga Waaxdan, ayaa ka warbixiyey dhismaha waaxda kaawa Godeey iyo baahidda ay bulshaddu u qabto.

“Waaxda Kaawa Godeey ee Degmada dharkeenlay waxay kamid tahay waaxyaha ugu weyn Degmada, horey degmadu Afar Waax ayey u lahayd balse Waaxdan ugu yar ayaa hadda u muuqata inay tagay Waaxda ugu weyn Degmada Dharkeenlay, waa Waax soo koreysa, dhismaysa, Goofna leh sidoo kalana deeggaan ah,  Maadama Waaxdan ay ku nool yihiin bulsho badan waxaan ku faraxsanahay inay yeelato Xarun Caafimaad (MCH), waxaana rajeynaynaa in baahiyihii bulshadaan haystay daboosho” ayuu yiri guddoomiye Guhaad.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka Banaadir uu ka shaqeyn doono hirgelinta xarumaha hooyada iyo dhallaanka, si bulshada ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Senator, Zamzam Daahir Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha Golaha Aqalka Sare, ayaa kaga mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir dhismaha Caasimadda iyo horumarka ballaaran ee ka socda Gobolka Banaadir, waxaana ay sheegtay in bulshada ku nool Caasimadda Soomaaliya ay u baahan yihiin Horumarin Caafimaad iyo mid dhaqaalaba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...