Sunday, February 15, 2026
25.1 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo magacaabay guddi doorasho

Garoowe (Halqaran.com) – Kulanka 19-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Kulanka maanta Ajandihiisa ayaa ahaa magacaabid Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha maamulka Puntland.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Magacaabay Guddi doorasho oo ka shaqeyn doona doorashada Xafiiskaasi oo shantii sana mar la qabto.

Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

  1. Cawil Xasan Daad – Guddoomiye
  2. Cabdiraxmaan Diiriye Carab – Xubin
  3. Maxamuud Maxamed Barre – Xubin
  4. Cabdilaahi Siciid Axmed – Xubin
  5. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed – Xubin

Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta berri ah 19ka Luuliyo, 2020 Haddii Alle idmo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...