Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

34 Kun oo Arday oo u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga sare & RW ku-xigeenka oo…

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta si rasmi ah Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare ugu furay 34 kun oo arday.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare uu u furay in ku dhow 35 kun oo arday, kuwaa oo dhameystay Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare.

Mar uu Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya, ay ku guuleysatay in ay qaaddo imtixaanaad mideysan dalka intiisa badan.

Ciidamada Booliska ayaa ilaalinaya amniga goobaha lagu gelaayo Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, waxaana goobahaasi laga dheehan karaa, sida loo adkeeyay amniga.

Sidoo kale, goobaha lagu qaadayo imtixaanka ayaa waxaa ku sugan kormeereyaal ka kala socda Wasaaradda Waxbarashada iyo iskuulada, si ay ardayda uga ilaaliyaan qishka.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa dhawaan sheegtay sanadkan in Imtixaanaadka Shahaadiga ay u fariisan doonaan in ka badan 70,000 oo arday, guud ahaan dalka oo dhan, waana sanadkii 6aad oo xiriir ah oo imtixaan mideysan ay qaadeyso Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyn, imtixaanadka wadajirka ee sanadkan ay qaadeyso Dowladda Federaalka waxaa lagu soo daray Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe, kaasoo ay ardayda u fariisteen Sabtidii hore.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...