Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta si rasmi ah Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare ugu furay 34 kun oo arday.
Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare uu u furay in ku dhow 35 kun oo arday, kuwaa oo dhameystay Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare.
Mar uu Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya, ay ku guuleysatay in ay qaaddo imtixaanaad mideysan dalka intiisa badan.
Ciidamada Booliska ayaa ilaalinaya amniga goobaha lagu gelaayo Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, waxaana goobahaasi laga dheehan karaa, sida loo adkeeyay amniga.
Sidoo kale, goobaha lagu qaadayo imtixaanka ayaa waxaa ku sugan kormeereyaal ka kala socda Wasaaradda Waxbarashada iyo iskuulada, si ay ardayda uga ilaaliyaan qishka.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa dhawaan sheegtay sanadkan in Imtixaanaadka Shahaadiga ay u fariisan doonaan in ka badan 70,000 oo arday, guud ahaan dalka oo dhan, waana sanadkii 6aad oo xiriir ah oo imtixaan mideysan ay qaadeyso Dowladda Federaalka.
Ugu dambeyn, imtixaanadka wadajirka ee sanadkan ay qaadeyso Dowladda Federaalka waxaa lagu soo daray Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe, kaasoo ay ardayda u fariisteen Sabtidii hore.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com