Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga uu khilaafka ka taagan yahay ee doorashada heer Federal iyo kuwo xallinta khilaafkaadka ee ku xareysan Hotelka Decale ee Magaalada Muqdisho, ayaa Sabtida maanta ah doortay Guddoomiye iyo ku-xigeenno.
Labo musharax ayaa u tartamay xilka gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal, iyadoo kulanka ay soo xaadireen 20 ka mid ah 25-ka xubnood uu guddigaan ka kooban yahay.
Maxamed Xasan iyo Liibaan Abukar ayaa u tartamay, waxaana gudoomiye loogu doortay Maxamed Xasan oo helay 17 cod halka Liibaan Abuukar uu helay 3 cod.
Sidoo kale Mowliid Mataan ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka guddiga markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Kheyre.
Lama oga sida Guddigaan ay ku shaqeyn doonaan, maadaama Midowga Musharraxiinta ay si wayn uga soo horjeedaan xubnaha Guddigaan iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





