Friday, June 19, 2026
25.6 C
Mogadishu

Guddiga Doorashooyinka Jubbaland: ”DF Somaliya wax ka quseeya malaha Doorashooyinka Jubbaland”

Kismaayo (Halqaran.com) – Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa si kulul ugu hadlay qoraallo ay soo kala saareen Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo loogu soo horjeystay Hanaanka Doorashadda Maamulka Jubbaland.

Mudane Xamza Cabdi Barre oo ah guddoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland  ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan shaqo ku laheyn doorashadda Jubbaland ka socoto.

Guddoomiyaha guddiga, mar uu ka hadlayay qoraalka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Jemes Swan ayuu sheegay in Beesha Caalamka ay talo ku leedahay jubbaland,balse aysan amar ku laheyn madaama Soomaaliya xur tahay.

”Dowladda federaalka ah wax ka quseeya haba yaraatee malaha doorashooyinka iyo habraacyada dowlad goboleedyada habkey isku dooranayaan, Dastuurka Qaranka ayaana siinaya oo ay isticmaalayaan ilaa la is waafajinayo Dastuurka Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada,horta Beesha Caalamka Talo ayey leedahay dadka Soomaalida ah amarna kuma laha Soomaaliya waa dowlad xor ah oo madax banaan Soomaalidana iyagaa laga rabaa iney heshiiyaan oy wada hadlaan, dadka Sooamalida ah waa iney ogaadaan doorka beesha Caalamka waxa uu yahay” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...