Saturday, March 14, 2026
26.6 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo u dhoofay dalka Jabuuti (Ogow Ujeedka safarkiisa)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u dhoofay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Farmaajo ayaa aqbalay marti qaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Booqashada madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa qaadaneysa muddo labo maalmood ah.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Farmaajo, inta uu ku sugan yahay dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, waxa uu la kulmi doonaan dhiggiisa Jabuuti Mudane Geelle.

Sidoo kale, xubnaha la socda madaxweyne Farmaajo ayaa dhankooda iyagana la kulmi doona madax ka tirsan dowladda Jabuuti.

Ilaa iyo hadda lama oga ujeedka rasmi ah ee safarka madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ugu ambabaxeen dalka Jabuuti.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...