Friday, May 8, 2026
28.1 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Puntland oo KHAMRI fara badan oo ku soo bandhigtay Boosaaso & Dadkii ka ganacsanayay +(Daawo Sawirro)

Boosaaso (Halqaran.com) – Waxaa maanta magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ee maamulka Puntland lagu soo bandhigay mandooriyaha Khamriga oo aad u faradan iyo rag iyo dumar la sheegay inay ahaayeen kuwo Khamrigaasi ka ganacsanayay.

Kadib howlgal Ciidamada Booliska ee Puntland ay ka sameeyeen Magalada Boosaaso ayaa waxay ku soo qabtaan Khamrigaasi tirada badan oo ay ku jireen dhalooyin iyo caagado farabadan.

Dadkii loo soo qabtay, Khamirgaasi tira badan ayaa waxaa la geeyay Xarunta Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari, si xukun loogu rido.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamed oo ka hadlayay goob fagaaro ah oo maanta Khamriga lagu burburiyay ayaa sheegay in magalada Boosaaso iyo deegaannada kale ay weli ku harsan yihiin dad ka ganacsanaya, sidoo kalena isticmaalaya, kuwaasoo noocyo kale duwan leh.

Taliyaha ayaa xusay, in dadka ka Ganacsnaya maandooriyaha Khamriga ay ula dagaalami doonaan sida maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana Maxkamada  Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari uu ka dalbaday in xukmiso gurigii lagu arko, laguna iibinayo Khamriga lala wareego.

Haddaba hoos ka dhageyso Shirka Jaraa’id ee Taliyaha:

 

Hoos ka Daawo Sawirrada Khamrigii maanta lagu soo bandiga Boosaaso:


Xafiiska Halqaran.com, Boosaaso
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...