Saturday, January 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

Guddiga doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la doortay

Garoowe (Halqaran.com) – Kadib markii Khamiistii maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland xilkii ay ka qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulkaasi, ayaa waxaa la magacaabay Guddiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Guddoomiye ku-xigeenka ahna ku simaha Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo qaban-qaabin doona doorashada guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland.

Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Puntlamd ayaa sheegay 14ka Bishan oo ku beegan maalinta Khamiista inay dhici doonto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doono hawlaha kala duwan ee doorashada iyo Shuruudaha laga doonaayo qofka isku soo sharaxaya xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Ilaa iyo hadda guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin ayaanan wali si toos ah uga hadlin xil ka qaadistii maanta lagu sameeyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...