Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Waa imise raggii maanta ay maxkamadda Puntland ay xukunka dil ah ku fulisay?

Boosaaso (Halqaran.com) – Waxaa maanta maxkamada Ciidamada Puntland, ay dil toogasho ah ku fulisay 5 nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish.

Raggaan maanta la toogtay ayaa waxay mudo ku xirnaayeen xabsiga magaaladda Boosaaso, waxaana ciidamada ammnigu ay horay uga soo qabqabteen gudaha deegaanada Puntland.

Toogashada raggaan ayaa timid kaddib markii Maxkamadaha Ciidamada ee Darajadda Koowaad iyo Racfaankubaay ku rideen xukun dil ah.

Magacyada raga la toogtay, ayey maxkamaddu ku sheegtay, Ibraahin Guudow Boorow oo 23 jir ah Faarax Siciid Faarax oo 19 jir ah, Sheekh Cabdi Cabdulqadir Sheekh oo 22 jir ah, Shaafici Xuseen Macalin oo 19 jir ah, iyo Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah.

Puntland horay waxaa loogu dilay rag lagu eedeeyay in ay Shabaab iyo Daacish la shaqeynayeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...