Johannesburg (Halqaran.com) – Bucad Koonfur Afrikan ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay boobeen goobo ganacsi oo ku yaal deegaanka Soweto oo (24,3 km) u jira Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika.
Goobaha Ganacsiga ee la boobay oo gaaraya saddex Dukaan ayaa waxaa leh Ganacsato u dhalatay dalka Itoobiya, waxaana goobta uu boobka ka dhacay Ganacsiga ugu badan ku leh Ajaanibta gaar ahaan Soomaalida.
In kastoo aysan jirin goobo Ganacsi oo Soomaalida leedahay oo la boobay ayaa hadana qaarkood waxaa ay sheegeen inay Alaabtooda kala baxeen, isla markaana haatan ay dareemayaan cabsi la xiriirta in Koooxaha burcadda ah ay boobaan.
Sidoo kale Ganacsatada Soomaalida waxaa ay sheegeen inay hanjabaad kala kulmeen qaar kamid ah dadka u dhashay dalka Koomfur Afrika ee degan deegaanka Soweto oo ka tirsan Magaalada Johannesburg.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa Goobo Ganacsi oo waaweyn ku leh Soomaali iyo Itobiyaan, waxaana ay la kulmaan dhac, dil iyo weeraro mararka qaar lagu dhaawaco Ganacsatada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





