Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta Ansixiyay laba Hindise Sharciyeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah kulan ay yeeshan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa lagu ansixiyay laba hindise sharciyeed.

Shirka Golaha Wasiirada inta uu socday ayaa waxaa lagu ansixiyay sharciyada kala ah sharciga Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman iyo Sharciga Nidaamka Maaliyadeed ee Khayraadka Dhulka Hoostiisa.

Sharciyadaan ayaa ahmiyad gaar ah u kala leh dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo maamulka nidaamka maaliyadeed ee qodista khayraadka dhulka hoostiisa ah, sida  uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale

Afhayeenka XFS Farxaan ayaa sheegay in ujeedka loo ansixiyay Sharciga Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman uu yahay in dowladda Soomaaliya ay yeelato nidaamyo cunaqabateen oo maaliyeed oo adeg, kuwaasi oo uu xusay inay dowladda u ogalaanayaan inay hirgeliso cunaqabateynta dadka lagu tuhmo maalgelinta Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...