Friday, March 13, 2026
26.5 C
Mogadishu

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Beledweyne & Wararkii ugu dambeeyay

Hiiraan (Halqaran.com) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Beerxaani oo ku yaalla Galbeedka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen degaankaas.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in muddo ka badan labada saacadood uu socday dagaalka, kaas oo siweyn looga dareemay degaanka.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dagaalka, balse Al-Shabaab ayaa Warar ay ku baahiyeen Baraha ay ku leeyihiin internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen deegaanka Beerxaani ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa geystay khasaaro isugu jira ndhimasho iyo dhaawac ah, kaas oo aan weli si faah-faahsan loo helin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...