Tel Aviv (Halqaran.com) – Saddex gantaal oo laga soo tuuray Suuriya ayaa ku dhacay Israa’iil, sida ay sheegeen ciidamada Israa’iil.
Laba ka mid ah gantaalada ayaa la sheegay in ay ku dhaceen meel banaan oo ku taalla koonfurta Golan Heights, halka mid ka kalena uu ku dhacay xadka u dhaxeeya Suuriya iyo Israa’iil, sida ay sheegeen saraakiisha Yuhuuda.
Israa’iil ayaa waxaa ku dhacay 2,000 oo gantaal oo laga soo tuuray Gaza, saddex gantaal oo laga soo tuuray Lebanon kuwaas oo aan wax khasaaro ah geysan, sida laga soo xigtay milatariga Israa’iil.
Ugu yaraan 126 qof ayaa lagu dilay Gaza, halka ay Isreal kaga dhimatay siddeed qof tan iyo markii ay billowdeen rabshadaha u dhexeeya Isreal iyo Falastiiniyiinta.
Isku dhacyada rabshadaha wata ee u dhaxeeya ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta ayaa ku faafay inta badan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, kadib maalmo ay colaadi ka jirtay Qaza.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





