Monday, February 9, 2026
24 C
Mogadishu

Galmudug oo ka shireysa sugidda amniga Shirka dowlad goboleedyada ee Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug, mudane Cali Dahir Ciid ayaa Shir guddoomiyay shirka Amniga Galmudug oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug.

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Maaliyada, La taliyaha Madaxweynaha Galmudug ee dhanka amniga iyo Saraakiisha Hay‘ada Nabad-sugida heer Galmudug saraakiisha Booliska ayaa waxaa diirada lagu saaray sare u qaadida amniga guud ee Galmudug iyo kan gaar ahaan Caasimadda Galmudug oo marti galinaysa Shirweynaha Dhusamareeb One.

Gunaanadka shirka Madaxweyne Cali Ciid ayaa faray laamaha Amaanka Galmudug in ay si weyn u adkeeyaan Amniga Caasimadda iyo degaanada ku xeeran.

Maamulka Galmudug ayaa Khamiista soo socota oo ay ku beegan tahay 9 ka Bisha July martigalinaysa Shir dhexmari doona Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed.

Shirkani ayaa waxaa la saadaalinayaa in uu Gogol xaar u noqdo qabsoomida Shirka Amniga Qaranka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...