Guriceel (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya, in ciidamada booliska magaalada ay qabteen gabar dhallinyaro ah oo laga afduubtay magaalada Muqdisho.
Hibo Maxamed Xasan, ayaa waxaa laga afduubtay Xaafadda Shantageed ee Degmada Hawl-wadaag, kaddib markii hooyadeed laamiga wax uga dirsatay.
Gabadhan dhallinyarada ah ayaa tan iyo Axaddii shalay la waysanaa, waxaana ugu dambeyn barqadii maanta lagu qabtay Koontaroolka laga galo Magaalada Guriceel.
Ciidamada Booliska magaalada Guriceel ayaa gacanta ku hayo Hibo Maxamed Xasan.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya, in gacanta lagu haayo qof dumar ah iyo nin rag oo la sheegay Hibo inay wadeen.
Waxaa muddooyinkii dambe soo badanaya kiisaska ku saabsan afduubka iyo Kufsiga ee loo gaysanaayo hablaha yar yar iyo kuwa qaan gaarka ah, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan ka hadlin arrimahan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






