Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo howlgal ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Buulaburde (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Isniintii maanta howlgallo ka dhan maleeshiyaadka Ururkja Al-Shabaab ka billaabay waddada u dhaxeeysa degmooyinka Buulabarde iyo Jalalaqsi halkaas oo Xubno ka tirsan Shabaab dhowr jeer ay weerarro ka fuliyeen.

Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe, taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidamada Dowladda iyo saraakiil kale oo ka tirsan Qeybta 27-aad  ee ayaa sheegay in howlgalka ay Khasaare xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab kuwaasi oo ku sugnaa inta u dhexeeysay magaalooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee gobolka hiiraan.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Gaashaanlle Sare  Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 11- ka mid Al-Shabaab, kuwaas oo dadka dhibaateyn jiray sida uu hadalka u dhigay.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgalkan ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Buurweyn oo u dhexeeya degmooyinka Buulburde iyo Jalalaqsi. waxaana laba maalin ka hor uu dagaal ku dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...