Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

Gabadhii iyadoo 11 jir ah lagu khasbay inay aaskeeda qorsheyso, Kaddib maxaa dhacay?

Lilly waxay ku jirtay xaalad rajo beel ah, ka hor inta aan lasoo wicin telefoonka

Wales (Halqaran.com) – Lilly Kendall, oo ah gabar hadda 12 jir ah waxay markii ay 11 sano jirtay ku khasbanaatay inay diyaariso aaskeeda, laakiin waxaa ugu dambeyn usoo dhacay Telefoon frarxad wata oo baddalay guud ahaan nolosheeda.

Gabadhan oo ku dhalatay wadne xanuun, iyadoo aad u yar ayaa qoyskeeda lagula taliyay inay isbitaalka ka saaraan, kana damiyaan qalabka lagu caawinayay wadnaheeda.

Waxay si deg deg ah ugu baahneyd in wadnaha iyo sambabbada laga baddalo, laakiin maadaama ay dhif yihiin dadka xubnaha carruurta ku deeqa waxay billowday inay dhimasho isku diyaariso. Waxaa taas sii dheereyd in wadneyaasha iyo sambabbada aan la isku baddali karin inay si buuxda cabir ahaan iskula egyihiin mooyaane.

Waxay ka fakareysay qaabkii loo aasi lahaa, aadna way u niyad jabsaneyd Lilly.

Ka dibna Telefoon ayaa soo dhacay, wax kastana halkaas ayey isku baddaleen.

Waxaa soo wacay qof u sheegayay in loo helay xubnaha ay u baahneyd oo dhan.

Carruurta halala wadaago xogta ku saabsan xubnaha loogu deeqayo

Ururka qaabilsan maamulka howlaha la xiriira xubnaha la isugu deeqo ayaa soo jeediyay in carruurta lala wadaago macluumaadka ku saabsan xubnaha loogu deeqayo.

Shantii sano ee lasoo dhaafay gudaheeda, 42 carruur ah oo u baahnaa in xubnaha laga baddalo ayaa geeriyootay intii ay sugayeen qalliinka xubnahaas loogu baddalayo.

Qaarkood waxay sidoo kale u baahnaayeen in dhiigga laga baddalo.

Lilly Kendall waxay ku dhalatay wadne xanuun, waxayna saddexdii bilood ee ugu horreysay nolosheeda ku qaatay Isbitaalka gudihiisa.

Markii ay jirtay 9 sano, xaaladdeeda caafimaad ayaa sii xumaatay, waxayna u baahatay in ay hesho wadne iyo sambabo kale oo caafimaad qaba.

Lilly waxay tusaale u tahay in carruurtu ay xubna baddalista sugaan wax ka badan laban laab inta ay dadka waaweyn sugaan.

‘Nolol qarka u saaran geeri’

Markii ay Lilly, oo kasoo jeedda magaalada Llanelli ee ismaamulka Carmarthenshire, ahayd 11 jir, iyada iyo waalidkeedaba waxay la hadleen BBC-da, qeybteeda Wales.

Hooyadeed Catherine, ayaa sheegtay in sugitaanka wicitaanka telefoonka farxadda uu la mid yahay “Sidii nolo qarka u saaran geeri”.

“Maadaama aan ahay hooyo dhashay 6 carruur ah, waxaan ku khasbanahay inaan ka wada war hayo dhammaan ilmaha. Markii aan dhowr daqiiqo nafteyda u helo waxaan seexan jiray aroorta hore”, ayey tiri Catherine, waxayna intaas ku dartay; 2Laakiin waqtiyada intooda badan waxaan ku dhameysan jiray murug iyo oohin”.

Lilly, oo hadda 12 jir ah waxay kasoo caafimaadeysaa xanuunkii ay ilaa yaraanteeda qabtay, waxayna dib ugu laabatay Iskuulka.

Xigasho – BBC

Xafiiska Halqaran.com, Rome
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...