Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warka Kenya kasoo baxay ee ku aadan in dalkeeda uu soo galay Madaxii Amniyaadka Maleeshiyaadka Al-shabaab, Ciise Tarabuun.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciise Tarabuun uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhammeystay xabsi lagu xukumay.
Wasiir ku xigeenka Warfaanta ayaa qoraalka xukuumadda ku sheegay in eedeyntii argagixisenimo ee Ciise Tarabuun ay dacwadiisa qaaday Maxkamadda ciidamada qalaka sida, kadibna lagu xukumay 2 sano oo xabsi ah oo uu dhammeystay, haddana uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo maray xukun ciqaabeed ay Maxkamad milateri ku xukuntay.
“Cabdiwaaxid, ayaa markii uu dhammeystay xabsigii ay maxkamadda military-gu ku xukuntay la sii daayay sida sharcigu qabo. Waxaana sii dayntiisa in muddo ah kadib lala socday dhaq dhaqaaqiisa iyo xaaladaha.” ayuu yiri Ku simaha Wasiirka Ahna Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Aden Isaaq.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si cad u muujinaysaa in Cabdiwaaxid uu yahay muwaadin maray xukun ciqaabeed xabsi labo sano ah.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com