Tuesday, May 12, 2026
27.6 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Muxuu Kheyre ku soo arkay xarumaha wasaaradihii uu maanta kormeeray?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaarahaha Haweenka, warfaafinta iyo kalluumeysiga iyo dekadda Muqdisho, si uu ugu kuur galo hannaanka ay u socdaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

Sedaxda wasaaradood ee Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray, ayuu ugu tegay howl-wadeenno ku jira shaqooyinka qaranka, waxa uuna ka xog wareystay xaaladda shaqo, isaga oo kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sidoo kale kormeeyay dekadda Muqdisho, ayaa Maamulka dekadda iyo taliska Booliiska dekadda ka xog wareystay shaqada, caqabadaha la soo gudboonaada iyo qorshayaasha horumarinayo dekadda, si sare loogu qaado adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u heyso.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khare, ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta, loogana dhabeeyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...