Tuesday, May 26, 2026
26.5 C
Mogadishu

France: Weerar toorey loo adeegsaday oo lagu dilay 3 ruux

Sawirka kore waa halka uu ka dhacay weerarka mindida (Photo Credit by Valery HACHE / AFP)


Nice (Halqaran.com) – Booliska dalka Faransiiska ayaa sheegay in nin ku hubeysnaa tooreey uu saddex qof ku dhex dilay kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dhacda koonfur bari ee badda Mediterranean-ka Faransiiska.

Christian Estrosi oo ah duqa magaalada Nice oo weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso ah ayaa sheegay in haweeneey ka mid aheyd saddexda qof ee la dilay la helay iyada oo gowracan.

Duqa magaalada Nice ayaa sidoo kale sheegay in weerarka uu ka dhacay meel u dhaw kaniisadda Notre Dame ee magaalada.

Ninka weerarka geystay oo aanan wali la ogaan heybtiisa ayaa la dhigay isbitaal, kaddib marki ay dhaawaceen ciidamo boolis ah oo kadibna gacanta ku dhigay.

Weerarkaan ayaa imanaya wax ka yar laba todobaad, kaddib marki nin ku hubeysnaa toorreey uu meel u dhow magaalada Paris ku gowracay macallin maadada taariikhda ka dhigi jiray dugsi dhexe.

Ugu dambeyn, Weerarkaan ayaa noqonaya kii saddexaad oo dad lagu dilo oo ka dhaca dalka Faransiiska muddo laba bilood gudahood.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...