Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Faysal Cali Waraabe oo sharci darro ku tilmaamay heshiis ay Xildhibaanno la galeen Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Xibsiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in uusan waxba ka jirin heshiis shalay magaalada Hargeysa ku dhexmaray Xisbiga Kulmiye iyo qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada ee xisbiga UCID, taas oo ay isku afgarteen inay iska taageen doorashada guddoonka Golaha Wakiillada ee soo aaddan.

Mr Waraabe, ayaa waxa uu sheegay in xildhibaannada xisbigiisa ka tirsan ay hareer mareen xeerka iyo dastuurka xisbiga.

Sidoo kale, gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa intaasi ku daray in guddoomiyaha oo kaliya uu xisbiga u gali karo heshiis, halka xildhibaannada heshiiska Kulmiye la galayna uu sheegay in cawaaqib adag la marsiin doono.

Waxay aheyd Sabtidii shaley markii uu heshiis dhexmaray xildhibaanno ka socday xisbiga UCID iyo xisbiga Kulmiye ee Somaliland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...