Sunday, May 31, 2026
26.4 C
Mogadishu

Fannaanka Faarax Siidow Faarax oo ku geeriyooday Muqdisho

AllahAllaha u naxariisto hobolka Faarax Siidow Faarax, oo ka mid ahaa Fannaaniinta Qaranka ayaa waxa uu xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Geerida hobolka ayaa waxaa xaqiijiyay wiilkiisa Maxamed Faarax Siidow, oo sheegay in aabihii uu maalmihii ugu dambeysay ku xanuunsanaa magaalada.

Allaha u naxariistee Faarax Siidow ayaa ifka uga tagay xaas iyo saddex iyo toban carruur ah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa geerida hobolka uga tacsiyadeeyay qoyskii uu ka baxay iyo dhammaanba ummadda Soomaaliyeed.

Hobolka ayaa xilligii berri-samaadka ku luqeeyay heesaha dabacsan iyo kuwa waddaniga, isagoona leh heeso dhiirigeliya wax soo saarka beeraha iyo in dadku shaqaystaan.

Faarax Siidow ayaa heestiisii ugu horeysay ee uu ku luqeeyo waxay ahayd heestiisii caanka noqotay ee Maseer. Heestan ayuu kol hore sheegay in uu sameeyay sanadkii 1969-kii, balse uu ku lugeeyay 1971-kii.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...