Hiiraan (Halqaran.com) – Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor kuna sugan deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Subixii Jimcaha maanta gubay gaari Layla calaawi ah oo Al-Shabaab ay ka soo buuxiyeen Qaraxyo.
Taliyaha Guutada 17-aad G/le dhexe Dayax Cabdi Cabdule ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Ciidamadda Qalabka sida in gaariga laga warhaayey sidaasna loogu gubay inta uusan soo Gaarin fariisinka Ciidanka gaarin.
Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faah faahin ka bixiyey dagaaladii saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanada Garas Magan iyo Ceel-Hareeri.
Afhayeenka ayaa xusay, in dagaallo saacado badan socday ay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-Shabaab uu ku dhexmaray deegaanka Ceel-Hareeri, uuna ka dhashay khasaaro farabadan oo dhimasho iyo dhaawac leh.
Sidoo kale, wuxuu sheegay, in dagaallada Al-Shabaab looga dilay 100-xubnood, halka dhankoodana uu gaaray khasaaro Ciidamada, waa sida uu hadalka u dhigay Jeneraal Caanood oo intaas ku sii daray in dagaalka ay barbar socotay duqeyn diyaaradeed.
Ugu dambeyn, Afhayeenka ayaa tilmaamay in gurmad Ciidan oo Al-Shabaab u soo socday xalay wadada loogu galay deegaanka Garas Magan, isla markaana uu ka dhacay iska horimaad, ayna Ciidankaas gurmadka ahaa dib ugu laabteen degmada Aadan-yabaal.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com