Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax miino ah oo Khasaare geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Carbiska ee duleedka magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya, in qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka u tababaran ee Haramacad oo ilaala ka haya shaqaalaha dhisaya wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay waxyeelo kasoo gaartay Saddex Askari, kuwaas oo kamid ahaa Ciidamada qaraxa lala beegsaday xilli ay ku jireen howlahooda Shaqo.
Ciidamada ayaa qaraxa kadib waxaa ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxaas, waxaana hakad galay muddo daqiiado ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.
Weli kama hadlin qaraxaasi laamaha amniga dowladda Soomaaliya, waxaana dhowr jeer weeraro qaarxyo ah lagu qaaday injineerada Turkiga ee dhisaya wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ku dhintay injineero isuu jira Soomaali iyo Turki.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





