Tuesday, May 26, 2026
26.6 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan Qarax ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Dhuusamareeb Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso lala eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya xilli ay marayeen deegaanka birta dheer oo ku yaalla wadada laamiga ah ee u dhaxeeysa degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay aqlayeen jugta qaraxa, isla markaana uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaas, basle aysan weli cadeyn Karin.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday oo ka baxay Magaalada Dhuusamareen ayaa sida la sheegay waxaa ay ku wajahnaayeen degmada Guriceel ee Gbolka Galgaduud, iyaga oo socdaalkooda sii watay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...