Monday, August 17, 2026
24.7 C
Mogadishu

Faah-faahin dheeraad oo ku saabsan duqeyn ka dhacday Gedo

Gedo (Halqaran.com) –  Waxaa faah-faahino dheeraad ah ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa ku soo warramaya in ay xalay maqlayeen Jug Culus oo gantaalo ah, sidoo kalena ay arkayeen diyaarado joog hoose ku socda, isla markaana ay dareem cabsi xoogan.

Duqeynta ayaa waxa ay ka dhacday duleedka deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo, halkaasi oo sida la sheegaayo lagu duqeeyay mintidiinta Ururka Al-Shabaab.

Lama oga ilaa iyo hadda Khasaaraha ka dhashay duqeyntii ka dhacday deegaan ku yaalla duleedka Ceelcade ee Gobolka Gedo, halkaas oo geed fadhi u aheyd saraakiisha Al-Shabaab ee gobolkaasi.

Si kastaba, diyaaradaha dagaalka ayaa inta badan duqeymo la beegsada deegaannada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab, walow inta badan khasaaraha uu gaaro dadka shacab ah ee deegaanadaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...