Tuesday, June 2, 2026
26.7 C
Mogadishu

UPDATE: Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan Ismiidaamin iyo weerar toos ah oo Al-Shabaab ka fulisay gudaha Kenya

Lamu (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Al-Shabaab saaka waaberigii ay ku qaadeen xero Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Gobolka Xeebta Lamu ee gudaha dalka Kenya.

Weerarkaan ayaa ku bilowday Qarax Ismiidaamin ah oo irida hore ee xerada lagu dhuftay, kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay gudaha ugu galeen xerada.

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab, ayaa weerar ku qaaday Xerada lagu magacaabo simba kuna taalla deegaanka “Manda Bay” ee Gobolka Lamu.

Warbaaahinta Kenya ayaa soo bandhigay Sawirro muujinaya qiiq iyo uuro cirka isku shareertay, waxaana qiiqaasi uu ka dhashay Ismiidaaminta gaariga loo adeegsaday ee Shabaab ay ku qaadeen xeradaasi.

Dowladda Kenya weli kama hadlin weerarka lagu qaadey Saldhig Ciidamadooda ku sugan yihiin ee ku yaalla Gobolka lamu, hayeeshee la filayo in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan.

Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku daabaceen in Saldhigaas ay siwadajir ah ugu wada sugan yihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...