Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

Gaari xamuul oo qarax looga shakiyay oo lagu celiyay duleedka Muqdisho

Muqdisho  (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Sarkuusta ee duleedka Koonfureed ee Muqdisho, ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda halkaasi ay ku celiyeen gaari qarax looga shakiyay.

Gaarigaan oo noociisa yahay kuwa waaweyn ee Xamuulka qaada Somalidana ay u taqaan Janta diyeesh ayaa waxaa is hor taagay Ciidamada dowladda.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in shaki laga muujiyay qarax inuu ku raran yahay gaarigaan, maadaama uu ka yimid Gobol, islamarkaana sidaasi loo celiyay.

Ciidamada dowladda ayaa dadka ka agdhaw goobtaasi waxa ay u sheegeen inay ka fogaadaan, sidoo kalena waxaa la celiyay dhamaan gaadiidkii wadada mari jiray.

Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay in loo diraayo ragga u tababaran baarista waxyaabaha qarxa, si loo hubiyo gaariga inuu qarax wado iyo in kale.

Si kastaba, 28kii Bishii December qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye ayaa waxaa la sheegay gaarigii qarxay inuu ahaay gaari Dyna ah, maadaama qaraxa uu aad u cuslaay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...