Muqdisho (Halqaran.com) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.
Sidoo kale Ergeyga iyo Safiirka kulanka ku wehlinayay Yusuf Bakhiit oo ah Madaxa Afrika u qaabilsan Hey’adda King Salman ee Gargaarka Bani’aadannimada.
Mas’uuliyiintan ayaa waxay kawada hadleen xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Sacuudiga u noqon laheyd hoggaanka gurmad lagu taakulaynayo dadka ay abaaraha waxyeelaysay.



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





