Sunday, May 3, 2026
28.7 C
Mogadishu

Duqeyn khasaare geystay oo ka dhacday deegaano ka tirsan Jubbada dhexe & Wararkii ugu dambeeyay

Bu’aale (Halqaran.com) – Duqeyn diyaaradeed ayaa ka dhacday Gobolka Jubbada dhexe, waxaana duqeynta fuliyay dowladda Mareykanka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federalka Somaliya ayaa lagu faah faahiyay duqeyntaasi.

Fiidnimadii 16-ka Dicember 2019: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo kaashaneysa Howlgalka Saaxiibada Mareykanka ayaa fulisay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhan ah Xagjirka al-Shabaab meel u dhow Dujumma oo qiyaastii 6Km u jirta Magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubada Dhexe Soomaaliya.

Waxaa la Xaqiijiyey in hal qof oo Al-Shabaab ah lagu dilay duqeynta.

Sidoo kale waxaa haatan la xaqiijiyey inaysan jirin qof rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartey.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka ayaa wada dadaal dheeri ah si looga hortago waxyeelada soo gaarta rayidka iyo in la horkeeno cadaalada hogaamiyaasha muhiimka ah ee fuliya weerarada ka dhanka ah shacabka aan waxba galabsan.

Howlgalkan wuxuu muujinayaa ka go’naanshaha dowlada iyo saaxiibada sii wadida dagaalka lagula jiro al-Shabaab iyo ka shaqeynta sidii loo gaari lahaa amni iyo xasillooni waarta guud ahaa dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...