Thursday, July 16, 2026
25.2 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho oo guddoomiye cusub u magacaabay degmada Cabdul-Casiis

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Cumar Filish) ayaa guddoomiye cusub u Magacaabey degmada Cabdul Casiis, kaddib markii guddoomiyihii degmadaas ay ku geeriyootay qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Cabdul Casiis loogu Magacaabey Cabdul Casiis Mahdi Faarax Cabdulle kaas oo bedeley Sabaax Cabdullaahi Asad oo kamid aheyd Guddoomiyeyaashii ku geeriyooday 24-kii Bishii July qarixii ka dhex-dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, qaraxaas ayaa waxaa ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Yariisow, Guddoomiyeyaashii degmooyinka, Waaberi iyo Cabdul Casiis, kuwaas oo dhawaan Duqa Muqdisho uu Magacaabey guddoomiyeyaal bedelaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...