Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la filayaa in maalinta Isniinta ee berri ah uu safar ku tago Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Ilo lagu kalsoonyahay oo ku dhow dhow Madaxtooyada Jubbaland ayaa Halqaran.com u sheegay, in laba arrimood uu Axmed Madoobe u tagayo Puntland, kuwaasoo kala ah doorashada soo socota iyo khilaafka dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Mr. Madoobe ayaa Garoowe kula kulmi doona Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo ka wada hadli doono arrimo la xiriira doorashooyinka iyo xilliga kala guurka ah ee arrimaha siyaasada iyo khilaafka dowladda iyo Maamulka Jubbaland.
Madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa bilihii la soo dhaafay xirirkooda waxa uu ahaa mid wanaagsan, iyada oo Madaxweynaha Puntland uu siweyn uga qeyb qaatay xafladii Caleema saarka Axmed Madoobe, kadib markii ay qaadacday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com