Thursday, November 13, 2025
25.8 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo dalka dib ugu soo noqday

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Axaddii maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka, kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu ku maqnaa dalka Turkiga.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenadiisa, Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka iyo xubno kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa marka hore ka mahaceliyay soo dhaweynta loo soo sameeyay, isagoona intaas kadib ka hadlay howlihii la qabtay inta uu safarka ugu maqnaa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyey shaqadii la qabtay intii uu maqnaa, waxa uuna u mahadceliyey Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo ku-xigeenadiisa Maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa muddooyinkii dambe ku maqnaa dalka Turkiga arrimo la xiriira xaaladiisa caafimaad.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...