Tuesday, April 28, 2026
29.7 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Mahdi Guuleed ”Madaxweyne Farmaajo waa astaan Qaran, Cabdi Xaashi-na waa hoggaamiye Mucaarad ah”!

Muqdisho (Halqaran.com) – Khilaafka dhinaca sharciga ah ee u dhaxeeya xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sii xoogeysanaya, kaddib markii Xaashi uu si weyn uga biyo diiday guddiga doorashada oo ay DFS magacaawday.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeennka dalka, Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa guddoomiyaha Aqalka sare ku tilmaamay in uu yahay hoggaamiye mucaarad ku ah dowladda inteeda kale.

Mahdi ayaa sheegay, in bilihii ugu dambeeyay guddoomiye Xaashi uu si isdaba joog ah u soo saarayay qoraal dowladda federaalka ka dhan ah.

”Qoraallada isdaba jooga ah uu soo saarayo Cabdi Xaashi waxa ay natuseysaa in uu yahay hoggaamiye mucaarad, wuxuuna wiiqay awooddii sharci dejinta, waayo sharci dejinta waa Baarlamaan labo Aqal ka kooban Aqalka sare muddo ma aanay fariisan, qeylo dhaantooda waa ogeyd, hadda waxaa jira Aqal sare oo aan muddo fariisan” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Haddaba halka hoose ka Daawo Muuqaalka Wareysiga R/W ku-xigeenka dalka Mahdi :


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...