Thursday, June 18, 2026
25.4 C
Mogadishu

Dowladda Soomaaliya oo Xaqiijisay in ay soo kordheen xaalado cusub oo Cudurka Coronavirus

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 35 xaaladood oo COVID-19 ah 24kii saac ee ugu dambeysay. Xaaladaha cusub 32 kamid ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho, labo waxaa laga diiwaan geliyay Hageysa, Booramana waxaa laga helay qofkii ugu horreeyay.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Xaaladaha maanta soo kordhay ay tirada guud ee dadka laga diiwaan geliyay ka dhigayaan 60 xaaladood.

52 kamid ah bukaannada xaaladdooda caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay waxa ayna ku karantiilan guryahooda, sedax kamid ah waxaa lagu baxnaaninayaa Isbitaal De-Martini, iyada oo qofka kale uu ku jiro xarun caafimaad oo ku taalla Xalane.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka qabad cudurada daba dheeraada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...