
Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleeka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay saameynta cudurka Coronavirus.
Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegaya, sheegay in uu iskarantiilay, laakiin uusan heyn wax cudur ah.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada maamulka Hirshabelle ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka bahda caafimaadka.
Hay’adaha ammaanka ayaa waxa uu faray dhaqan galinta Awaamiirta maamulka Hirshabelle ee ka hortaga Cudurkani, wuxuuna sidoo kale amar uu ka soo saaray Qaadka (Jaadka) lagu iibiyo Hirshabelle ka yimaada xuduuda dalka Itoobiya.
Wasiir dowle ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa ka mid noqday dadkii ugu horreeyay ee Cudurka Coronavirus ugu dhintay gudaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xusay in ay dejiyeen qorshayaal loogu tala galay sidii looga hortagi lahaa Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus (Covid-19).
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





