Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Dowladda Soomaaliya oo agab caafimaad oo looga hortagayo Covid-19 geysay G/Mudug

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wasaaradaha Caafimaadka Xukuumadda Fadaraalka, ayaa maanta agab caafimaad oo loogu tala galay Ka hortaga COVID-19 gaarsiiyay Gobalka Mudug kaas oo qeyb ka ah ololaha la dagaalanka faafitaanka xanuunka COVID-19 ee ay wado dowlada fedaraalka Soomaaliya.

Isku duwaha wasaarada caafimaadka Gobalka Mudug Cabdi Maxamuud Xirsi oo ugu horreyn ka hadlay madasha wareejinta agabkaan ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay isagoona uga mahad celiyay Midowga Yurub iyo wasaarada caafimaadka Soomaaliya.

Duqa Dagmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre iyo gudoomiyaha dagmada gobalka Mudug ayaa iyaguna ka mahadceliyay iyagoona xusay in agabkaan uu ku soo beegmayo xilli walaac xoogan oo la xariira xanuunka COVID-19 uu ka jiro Gobalka Mudug.

Guddoomiyaha ururka haweenka Gobalka Mudug Maymuun Cali nuur iyo gudoomiyaha ururada Bulshada rayidkaa Baashi Xasan Erag ayaa oo ku hadlayay magaca Bulshada ayaa bogaadiyay talooboyinka dowlada fadaraalka Soomaaliya ee ku aadan la dagaalanka safmarka COVID-19.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...