Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa Khamiista maanta ah si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa ka soo ambabaxay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Goboloa Mudug, halkaasi oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen.
Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Wufuudda ay kala hoggaaminayeen Madaxweynayaasha kala ah, Saciid Deni, Cabdicasiis Laftagareen iyo Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa noqday Madaxweynihii labaad oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ka sii horeeyay oo shalay gaaray Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa noqday Madaxweynihii ugu dambeeyay ee gaara Magaalada Dhuusamareeb.
Shirka wadatashiga ee u dhaxeeya dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah kaga furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.
Maamulka Galmudug ayaa si weyn ugu diyaargaroobay marti-gelinta shirkan uu heerkiisu sareeyo.
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana amniga sugaya Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka maamulka Galmudug.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com



















