Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Awqaafta iyo culimada Soomaaliyeed ayaa soo saaray bayaan lagu joojiyay in dadka masaajida ku tukadaan salaadda Taraawiixda.
Sidoo kale, waxaa la joojiyay in Saaladda Cishaha lagu tukado Masaajida ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha golaha guud ee culimada Soomaaliyeed, Sheekh Cabdi Baari ayaa ku baaqay in dadku ku cibaadeystaan guryahooda si loo xakameeyo halista cudurka Coronavirus (Covid-19).
Sheekh Cabdi Baari ayaa sidoo kale sheegay in Diinta Islaamka ay fareyso in la badbaadiyo nafta.
Wasiirka Diinta, Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in go’aankaan uu yimid, kadib markii dowladda Soomaaliya ay soo rogtay bandow kasoo horeeya Xilliyadda Salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda.
”Cudurkaan markii hore hadii shaki nooga jiray maanta waxuu maraa 300 dad ka badan marka, taas taxadarkeeda hala muujiyo” ayuu yiri Wasiir Sheekh Nuur.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






