Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

Askari ka tirsan Ciidanka DF Somaliya oo caawa qof shacab ah ku dilay Muqdisho & Banaanbax ka dhashay

Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Dad carreysan oo ka soo horjeeda Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo dad Shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho, kadib markii Bandowga magaalada uu bilowday ayaa banaanbax ka bilaabay qaar ka mid ah Isgoysyada Muqdisho.

Dilka caawa dhacay ayaa loo geystay wiil ka mid ah dhalinyarada magaalada iyo dhaawaca qofka kale oo shacab ah. wuxuuna dilkaan ka dhacay isgoyska Jubba Muqdisho.

Dadweyne Careysan ayaa taayaro ku gubay inta dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo dugsiga Bartamaha kadib markii ay sheegeen in Askariga uu si bareer ah u dilay dadka Shacabka.

Ciidanka Booliska ayaa hadda la tacaalaya joojinta Banaanbaxa, waxaana ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Askarigii dilka geystay oo ku sugna barta koontaroolka ee Ciidamada Booliska ku hubiyaan gaadiidka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...