Istanbul (Halqaran.com) – Heshiis horudhac ah oo laga gaaray wada shaqeeynta Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya iyo Shirkadda Albayrak ee maamusha Dekadda Muqdisho ayaa maanta lagu kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Heshiiskan oo dhinaca dowladda ay u saxiixday Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac.
Waxaa goob joog ka ahaa heshiiskaan, Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u mahadceliyay labada dhinac.
Heshiiskan oo dib u eegis ku socday muddo ku dhow 2 sanno ayaa si wadajir ah la isugu af gartay.
Dhanka kale Turkiga waxaa u saxiixay Mr. Ahmet Albayrak oo ah milkiilaha shirkadda Albayrak, waxaana la filayaa in heshiiskan si rasmi ah maalmaha soo socda ay labada dhinac ku wada saxiixaan magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







