Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Dowladda Masar oo ballan-qaad cusub u sameysay DF Soomaaliya

Qaahira (Halqaran.com) – Wasaaradda Waxbarashada dalka Masar ayaa ballan-qaaday in ay kordhin doonto deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan ardeyda Soomaaliyeed, kadib kulan magaalada Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Waxbarashada DF Soomaaliya Cabdullaahi Abiikar Xaaji (Carab) iyo Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Taarekh Shawky.

Dowladda Masar ayaa waxa ay Soomaaliya la laheyd xiriir waxbarasho oo Aad u qoto dheer, waxaana barisamaadkii tan iyo lixdanaadkii Soomaaliya sanad walba imaan jiray macallimiin Masaari ah oo wax ka dhigi jiray dugsyada dalka.

Dugsiga Allahi ayaa ka mid ah dugsiyada ay caanka ku ahaayeen Masaarida kaas oo ay ka aflaxeen dad badan oo maanta magac iyo maqaam sare ku leh mujtamaca Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...